gaari
(m.l) (-iyo, m.dh)

1. (gawaari, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulka lagu qaado. 2. Gaarigacan.

gaari
(m.dh)

Haweeney maamulka aqalkeeda iyo nadaafadda jirka aad u ilaalisa oo uga adag.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaari

odayow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Da'weyn gaarid; waayeeloobid. 2. Waayo aragnimo yeelasho. waayeeloobid

daabad [m.l]
Ninka tababbarka bilowga ah qaatay xagga ugaadhsiga, welise aan heer fiican gaarin.

aalo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Lo'da inteeda aan weli gaarin da'dii ay rimi ama wax rimin lahayd.

laakoliit [m.l]
(jool.) Kuus weyn oo dhadhaabo shiileed ah oo ka hooseeya dhulka dushiisa, oo marka qaarkood gaaraysa baaxadda buur; waxaa sababa magmada oo soo dhex gasha qolofta dhulka iyadoon soo gaarin dusha, lakabyada dusha waxaa kor u xooda soo gelitaanka.

laalan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
1. Wax meel sare la saaray ahaansho. 2. Arrin aan go'aan laga gaarin ahaansho. 3. Sharci wax la baaba'shey ahaansho.

maakhiido [m.dh] (-ooyin, m.l)
Haweeney gaari ah.

maalinsocod [m.l]
1. Fogaan dhan in qof socod ku gaari karo hal maalin. 2. Socod dharaarta la sameeyo.

oommane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
1. Meel aan biyo lahayn. 2. O. ah: dhaan aan gaarin biyihii meesha uu ka heli lahaa.

qaalin [m.l] (-immo, m.l)
Neef geel oo lab ah oo aan da'dii rarashada weli gaarin.

qaalin [m.dh] (-lmo, m.l)
Neef geel ama lo' ah oo aan weli gaarin da'dii curashada.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg