gaarid
(m.f.dh)

eeg gaar³. ld gaarniin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaarid

odayow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Da'weyn gaarid; waayeeloobid. 2. Waayo aragnimo yeelasho. waayeeloobid

qaangaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Qof 15 sano gaarid.

qaangaarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaangaar².

saabo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
Cudur, gaajo, roob iwm berrin wada gaarid. ld saabso.

ugaarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ugaar².

uurqaad [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
U. ah: gaaridda neef dheddig uu gaaro da'uu ku rimi karo; awrqaad. ld awrqaad.

yoolgaarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yoolgaar². ld yoolgaar¹.

aflax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -lixi)
1. Qalinjebin (dugsi quraan). 2. Waxbarasho heer wacan ka gaarid.

baaldillaacso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Heerkii ay ku duuli lahayd gaarid (shinbir).

baaluq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
Da'dii qaangaarnimada gaarid.

gaar [m.l]
1. Xuub ku dahaaran ilmo dhashay. 2. Dhiil, abxad iwm wax korka looga dahaaro. 3. Urun.

gaar [m.l]
1. Wax cid si gooni ah u khuseeya. 2. Qof loo xilsaaray, inuu ilaaliyo xafiis, dukaan iwm. 3. G. ah: khaas ah. 4. Dhaawac callirsan.

gaar [m.l]
(nax.) Magac guud iyo magac g.

gaar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Meel tegid. 2. (f.g) Cid, cid ka horreysa ka daba tegid. 3. (f.g) Jir cananno ku suntid. 4. (f.g) Dhiil, abxad iwm dahaarid. 5. (f.mg) Wax, wax ku filnaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg