gaarsiin
(m.f.dh)

eeg gaarsii. ld gaarsiis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaarsiin

aafee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
Cid aafo gaarsiin.

jaa'ifee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
1. Waxyeello weyn oo aafeed cid gaarsiin; aflagaaddee. 2. Nabar foolxumo reeba cid wejiga ka gaarsiin.

ibtilee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -leysay)
Dhibaato daran cid gaarsiin. ld ebtilee. ebtilee

nabar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bray, -bartay; -bri)
Cid jug, dhaawaq iwm. gaarsiin.

nabarree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax nabarro gaarsiin.

oodafee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
1. Cid aflagaaddo gaarsiin 2. Xero afka ood ka saarid.

xago [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-gtay, -gatay)
1. Ilkaha ama ciddiyaha wax nabar yar ku gaarsiin. 2. Wax yar oo meel ku dheggan ilkaha ama ciddiyaha kaga fuqsasho.

xagxag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Nabarro yaryar oo aan qoto dheereyn wax dushooda sare gaarsiin.

aflixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid, wax barasho heer wacan ka gaarsiin.

bayuuree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Cid ceeb weyn gaarsiin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg