gaarsiis
(m.l)

ld gaarsiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaarsiis

adeeg [m.l]
1. Hadal aan qornayn oo cid loo dhiibo si ay cid kale u gaarsiiso, farriin. 2. Shaqa hoosaad laga qabto guryaha iyo xafiisyada oo aan u baahnayn xirfad gaar ah. Tus. “Adeeggii buu diidey”. 3. Waxyaabaha daruuriga ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay.

caleen-iskudhisan [m.dh] (-eemo ..., m.l)
(bot.) Caleenta iskudhisani waxay leedahay baabaca caleen u qaybsan caleen yarooyin girigirkoodu gaarsiisanyahay aroore caleenta.

duufaan [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-nno, m.dh)
Dabayl xoog leh, roob wadata oo waxyeello dhulka gaarsiisa.

gaarsiin [m.f.dh]
eeg gaarsii. ld gaarsiis.

jajabe [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Cayayaan u eg ukun yar, cad, leh qodxo yaryar soo taagtaagan oo qofkii ay ku jabto gaarsiisa dhibaato.

macruuf [m.l]
1. Ixsaan; wanaag; samafal. 2. (-fyo/-caariif, m.dh) M. ah: qof aad loo yaqaan, caan. 3. ld macriifo. Xiriir aan saaxiibnimo gaarsiisnayn oo cid ka dhexeysa.

samaacad [m.dh] (-do, m.l)
Qalab tamarta danab u beddesha tamar jabaq. Waa qaybta ugu dambeysa ee inoo fududeysa maqalka wararka idaacadaha, telefoonnada iwm. Samaacaddu waxaay qabataa shaqo lid ku ah ta maykarafoonku qabto, waxana ay awood u leedahay in baahinta codka kordhiso, gaarsiisana meelo fog. eeg maykarafoon.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg