gaas
(m.l)

1. Dareere loo isticmaalo ifsashada aqallada iyo cunto karinta. 2. (-sas, m.l) Ciidamo badan oo hal meel laga xukumo; qayb.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaas

maad [m.dh]
1. Gaashaan. 2. Meel lagu gabbado. gaashaan

ugaas [m.l]
Nin tol madaxnimadiisa loo caleemasaaray.

ugaasee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-seeyay, -seysay)
Qof ugaas (is)ka dhigid.

ugaaseyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ugaasee.

ugaasnimo [m.dh]
Ugaas ahaansho.

abbaanduule [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Qof taliye u ah col duullaan ah. 2. Taliye-xigeenka gaas, guuto, qayb iwm ee ciidamada. ld ammaanduule.

agaasiman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-innaa, -innayd)
Wax la agaasimay ahaansho.

agaasime [m.l] (-mayaal, m.l)
1. Qof madax ka ah waax wasaaradeed, wakaaladeed, hay'adeed iwm. 2. A. guud: qof dhowr agaasime madax u ah.

agaasimid [m.f.dh]
eeg agaasin². ld agaasin¹ (2).

agaasin [m.l]
1. Xafiis laga maamulo waax wasaaradeed, wakaaladeed iwm. 2. ld agaasimid. Habeynta iyo isku dubbarididda hawsha. 3. A. guud: xafiis laga maamulo dhowr waaxood.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg