gaashaan
(m.l) (-nno/-ammo, m.dh)

Qalab bir ama harag adag ah, oo looga gabbado riddada warmaha, fallaaraha iwm.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaashaan

maad [m.dh]
1. Gaashaan. 2. Meel lagu gabbado. gaashaan

bahayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Cid qaraabeysasho. 2. Cid gaashaanbuuro la yeelasho.

bahow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
La b.: cid, gaashaanbuur la noqosho.

dhallinyar [m.dh]
Dadka inta da'dooda u dhexeyso gaashaanqaad ilaa garmadoobe. ld dhallinyaraan.

dhawraarin [m.dh] (-nno, m.dh)
Wax, wax kale gaashaan dhibaato uga ah. ld dhawraarimo.

dhigo [Fal Gudbe/Magudbe | Verb Transitive/Intransitive]
3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax la hayay meel saarasho. 2. (f.g) Wax kaydsasho. 3. (f.g) Cashar qorasho. 4. (f.g) Dugsi wax ka barasho. 5. (f.g) Ballan, heshiis iwm cid la gelid. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax kale u beddelasho. 7. (f.mg) Is dh.: qof khatar iwm oo ku soo fool leh oo loo baahnaa in uu ka gaashaanto ka seexasho.

dig [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. (f.g) Aroos iwm cid ogeysiin. 2. (f.mg) U d.: qof wax u daran oo ku soo fool leh ama lala maagganyahay dareensiin si uu uga gaashaanto.

digniin [m.dh]
1. War cid dareensiinayo dhibaato ku soo foolle si uu uga gaashaanto. 2. Hadal, qoraal iwm oo cid gef sameysay la siiyo si aanu mar labaad ugu noqon.

gaashaandaduur [m.l]
Difaac. ld gaashaan- daduurid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg