gaashaanle
(m.l) (-layaal, m.l/dh)

1. Darajada ciidan oo u dhexeysa dhamme iyo gaashaanle-dhexe. 2. Biciid lab oo haraggiisa laga sameeyn karo gaashaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaashaanle

janan [m.l] (-nno, m.dh)
Derejo sare oo ciidamadu leeyihiin oo ka sarreysa gaashaanle sare.

kornayl [m.l] (-llo, m.dh)
Derajo askareed ah gaashaanledhexe ama gaashaanle-sare.

gaashaan [m.l] (-nno/-ammo, m.dh)
Qalab bir ama harag adag ah, oo looga gabbado riddada warmaha, fallaaraha iwm.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg