gaashi
(m.dh) (-iyo, m.l)

Bar weyn oo midab ah oo ku taal neef xoola ah oogadiisa. ld gaasho, geesho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaashi

biriir [m.dh]
1. Gaashi weyn, cad oo ku taal neef lo'ah oo midab aan caddaan ahayn leh. 2. Caro ama naxdin laga dareemo qofka wejigiisa. ld bariir.

gaasho [m.dh]
ld gaashi.

geelkacabaadis [m.dh]
Nooc xamaaratada ka mid ah oo in yar roorka ka weyn, madax weyn oo madaxa ku leh midab gaashiyo ah. ld geelkacabaaji.

hoolhool [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-oolay, -ooshay)
Harag ama saan gaashiye banbannaan u yeelid iyadoo timaha ama dhogorta laga rifayo.

gaas [m.l]
1. Dareere loo isticmaalo ifsashada aqallada iyo cunto karinta. 2. (-sas, m.l) Ciidamo badan oo hal meel laga xukumo; qayb.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg