gaasir
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

Wax, miisaankiisa ama cabbirkiisu aannu dhammayn.

gaasir
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

Wax, miisaankiisa ama cabbirkiisa wax ka dhimid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gaasir

ciirciir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Sabbayn; daandaamid; dheeldheelid. 2. Gaasirid, isdhimid.

gaasiran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay, -rmi)
Wax gaasir ah noqosho.

gaasiran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax gaasir ah ahaansho.

gaasirid [m.f.dh]
eeg gaasir².

gaasirmid [m.f.dh]
eeg gaasiran¹.

gaasirnaan [m.f.dh]
eeg gaasiran². ld gaasirnaansho.

gaasirnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld gaasirnaan.

gaas [m.l]
1. Dareere loo isticmaalo ifsashada aqallada iyo cunto karinta. 2. (-sas, m.l) Ciidamo badan oo hal meel laga xukumo; qayb.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg