gab
(Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone)

Cod lagu muujiyo shanqar gaaban oo kedis ah. ld geb¹.

gab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)

1. Xil saaran ka soo bixi waayid (qof). 2. Wax samayntiisa awood u waayid. ld geb².

Gabangaabsi*

Diyaar-garow


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

sagabe*

waa marada dumar ka dhuudhuuban ee bilaa badhida ahi dhexda ku xidhaan marka ay wax xambaarayaan, si ay san uga dhicin oo ay u hayso.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Gabaahiir*

Macnaha halkan ku qor / Meel cidlo ah oo an wax dad ah joogin 


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gab

raabakh [m.l] (-khyo, m.dh)
Qalab aad u gaboobay.

raabakh [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-khay, -khday)
Qalab, wax aad u gaboobay noqosho.

eeddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Haweeneyda aabaha la dhalatay. 2. Haweeneyda aabuhu qabo oo aan hooyada ahayn; aayo. 3. U.j: eeddoy! 4. U.j: wiilka aan eeddada u ahayow!; gabadha aan eeddada u ahayey!

jaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo.

laancaddaad [m.l] (-dyo, m.dh)
Xilli roobkii da'ayey gabaabsaday, geedihiina caddaadeen, irmaankii xoolaadna caana yareeyeen.

maandow [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
M. ah: qof gabow awgiis wax la kala garan waayey.

ooriyo [m.dh]
Hanti ganaax ahaan looga qaado nin mehersaday gabadh nin kale u dooneyd.

raawis [m.l]
Mindi iwm gabowday oo aan wax goyn karin. ld saawir.

tabargab [m.l]
ld tabargabid.

tabargab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Wax tabar beelid.

g [m.dh]
(ga') Xarafka toddobaad ee xuruufta afka soomaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg