gabadh
(m.dh) (-bdho, m.l)

ld gabar².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gabadh

eeddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Haweeneyda aabaha la dhalatay. 2. Haweeneyda aabuhu qabo oo aan hooyada ahayn; aayo. 3. U.j: eeddoy! 4. U.j: wiilka aan eeddada u ahayow!; gabadha aan eeddada u ahayey!

ooriyo [m.dh]
Hanti ganaax ahaan looga qaado nin mehersaday gabadh nin kale u dooneyd.

abbaay abbaay [m.dh]
Digri haweenka u gaar ah oo la sameeyo marka haweeney ay kuraysanayso ama markii caado ahaan loo xusayo abbaay Faaduumo oo lagu wado gabadhii Rasuulka (n.k.h.a.).

abbaaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Wax ay gabadhi u tahay wiilka ama gabadha la dhalatay. 2. Erey “walaal” ka dhigan oo gabdhaha wada dhashay ama xigto ah ama is jecel isugu yeeraan. 3. Gabadhi waxa ay u tahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. ld abbaay, abbaayo.

abti [m.l] (-iyo, m.dh, -iyaal, m.l/dh)
1. Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu walaalkeed u yahay. 2. u.j. abtiyow! 3. u.j. wiilka aan abtiga u ahayow!; gabadha aan abtiga u ahayey.

adeer [m.l] (-rro, m.dh)
1. Nin waxa uu u yahay ilmaha walaalkii dhalay. 2. Hab xurmo leh oo qof da'weyn loogu yeero. 3. (u.j) adeerow! 4. (u.j) wiilka aan adeerka u ahayow!; gabadha aan adeerka u ahayey.

alkun [m.l] (-nno, m.dh)
Nin ay gabadh u doonantahay.

awoowe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
1. Aabbaha aabbihiis ama hooyada aabbaheed. 2. u.j: awoowow! 3. u.j: wiilka aan awoowaha u ahayow!; gabadha aan awoowaha u ahayey! ld awow.

ayeeyo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Hooyadaa hooyadeed ama aabbaha hooyadiis. 2. u.j: ayeeyooy! 3. U.j: wiilka aan ayeeyada u ahayow!; gabadha aan ayeeyada u ahayey.

bocor [m.dh] (-ro, m.l)
1. Miro aroorro leh oo sida qaraha u weyn oo la cuno. 2. B. ah: gabadh aad u qurxoon.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg