gabar
(m.l)

Midab madow oo iduhu dhabarka ku yeeshaan.

gabar
(m.dh) (-bdho, m.l)

1. Haweyney aan weli la guursan; inan. 2. Cadrad. ld geber, gabadh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gabar

xambaar [m.l]
La bixidda gabar la guursanayo xoog lagula baxo. ld xambaarid.

xambaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax dhabarka ku qaadid. 2. Ku x.: cid xumaan dhaxalsiin. 3. Gabar guur laga rabo xoog kula bixid.

xambaaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Wax dhabarka ku qaadasho. 2. Gabar la guursa-nayo xoog kula bixid. ld xambaarso.

yarad [m.l]
Hanti la siiyo qoys ama qof laga guursaday gabar ama haweenay.

yooyootan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Wiil iyo gabar cayaar (kaftan) isaga horimaansho.

abtiyow [m.l]
Soo bixidda gabar qaangaartay naasku u soo baxo. Tus. “Naas abtiyow ayaa u soo baxay”.

ardaaggal [m.l]
1. Marti u noqoshada reer gabar laga doonayo. 2. A. ah: nin reer uu gabar ka doonayo darteed marti ugu ah. ld ardaadhig¹.

ardaaggal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay; -geli)
U a.: nin reer uu gabar ka doonaayo darteed marti ugu noqosho. ld ardaadhig².

ardayad [m.dh]
1. Gabar tacliin nidaamsan oo sanado go'an iyo heerar kala duwan leh ku hawlan. 2. Gabar dugsi quraan dhigata.

baaluqad [m.dh] (-do, m.l)
B. ah: gabar qaangaar ah.

gab [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Cod lagu muujiyo shanqar gaaban oo kedis ah. ld geb¹.

gab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Xil saaran ka soo bixi waayid (qof). 2. Wax samayntiisa awood u waayid. ld geb².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg