gabax
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

Meel bannaan oo dabayl iyo dhaxan badan.

gabax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday)

Si tartiib ah oo aan biyo dhig lahayn u di'id (roob).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gabax

gabaxle [m.l]
Roob biyo yar oo aan biyo dhig lahayn, muddo dheerna da'a.

gabxid [m.f.dh]
eeg gabax².

lugabaxsasho [m.f.dh]
eeg lugabaxso. ld lugabaxsi.

lugabaxsi [m.l]
ld lugabaxsasho.

lugabaxso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Socod curuqtirasho ah meel dhow ku tegid. ld majabaxso.

wejiggabax [m.l]
Madax hoos u rogidda iyo weji kaduudka ku dhaca qof uu ka horyimid qof uu horay wax ugu dhimay; yaxyax.

gab [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Cod lagu muujiyo shanqar gaaban oo kedis ah. ld geb¹.

gab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Xil saaran ka soo bixi waayid (qof). 2. Wax samayntiisa awood u waayid. ld geb².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg