gabay
(m.l) (-yo, m.dh)

Nooc maansada ka mid ah oo leh qaafiyad, luuq iwm oo aan muusig loo tumin.

gabay
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-byay, -bayday; -byi)

Gabay tirin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gabay

bad [m.dh] (-do, m.l)
1. Biyo badan, dhanaan oo dhulka intiisa badan ku rogan; maanyo. 2. Goobta lagu ciyaaro turubka. 3. B.da gabayga: baabka gabayga.

dhismo [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Farsamada iyo habka wax loo dhiso. 2. (-ooyin, m.l) Wax dhisan sida guri, xafiis iwm. 3. Qoryaha, sarabka iwm ee guryaha qaarkood lagu dhiso. 4. Isku-dubbarididda iyo habeynta gabay in muddo ah.

gabaayoox [m.l]
ld gabayre.

gabayaa [m.l]
ld gabyaa.

gabaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Meel hadba waqti go'an oo lagu heshiiyey ay ganacsatadu wax ku kala iibsadaan; carwo.

gabayoox [m.l]
ld gabaayoox.

gabayre [m.l]
1. Meel dhaxan badan oo aan gabbaad lahayn. 2. Dhaxan badan. ld gabaayoox, gabayoox.

gabaysii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Ka g.: qof gabay ku beerid.

gab [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Cod lagu muujiyo shanqar gaaban oo kedis ah. ld geb¹.

gab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Xil saaran ka soo bixi waayid (qof). 2. Wax samayntiisa awood u waayid. ld geb².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg