gabbaad
(m.l) (-do, m.dh)

Wax, wax kale looga gabbado.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gabbaad

babbad [m.l]
1. B. ah: meel aan gabbaad lahayn oo dabayl badan. 2. ld babbasho.

bano [m.dh]
1. Dhaxan badan. 2. B. ah: meel dhaxan badan oo aan gabbaad lahayn.

foodsaar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Raar aqalka miyiga wejiga hore laga saaro. 2. Gabbaad. 3. ld foodshareer. Maro haweenku wejiga saartaan. 4. ld foodsaarid.

gabayre [m.l]
1. Meel dhaxan badan oo aan gabbaad lahayn. 2. Dhaxan badan. ld gabaayoox, gabayoox.

gabbaadsasho [m.f.dh]
eeg gabbaadso. ld gabbaadsi.

gabbaadsi [m.l]
ld gabbaadsasho.

gabbaadso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
ka g.: wax gabbaad ka dhigasho.

gabbo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-baday, -batay)
Wax la soo riday ama lo soo tuuray gabbaad ka gelid. ld gabboo, gambo².

goox [m.l]
Meel aan gabbaad lahayn oo dhaxan badan leh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg