gabbad
(m.l)

ld gabbasho.

gabbad
(m.dh) (-dyo, m.dh)

Xantoobo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gabbad ↴

cimil [m.l] (-llo, m.dh)
1. Meel loogu dhuunto ugaarta marka la doonaayo in gaadmo lagu dilo. 2. Dhismo yar oo dulduleelo wax laga toogto leh, oo cadawga loogu gabbado.

dawggal [m.l]
1. ld dawggelid. Gabbashada wax la gaadayo meel loogu gabbado. 2. D. ah: arrin iwm oo maangal ah.

dhufays [m.l] (-syo, m.l)
Hog dhulka laga jeexo oo askaruhu waqtiga dagaalka xabbadda kaga gabbadaan.

gaashaan [m.l] (-nno/-ammo, m.dh)
Qalab bir ama harag adag ah, oo looga gabbado riddada warmaha, fallaaraha iwm.

gabbaad [m.l] (-do, m.dh)
Wax, wax kale looga gabbado.

gabbasho [m.f.dh]
eeg gabbo. ld gabbad¹, gabbood, gambad, gambasho.

qalawo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Dhis yar oo waxaraha la geliyo. 2. Dhismo yar oo loogu gabbado dugaag la rabo in la dilo. ld qalwo (2).

wayooko [m.dh] (-ooyin, m.l)
Meel lagu gabbado, lagu dhuunto.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg