gabbal
(m.l)

Qorrax sii dhaceysa.

gabbal
(m.dh) (-lo, m.l)

Bar oo ku taal neef xoola ah oogadiisa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gabbal

dun [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-umay, -untay; -umi)
1. Dhisme iwm burburid. 2. Gabbal dhicid.

gabbalday [m.l]
ld gabbaldaye.

gabbaldaye [m.l]
Geed-gaab la beero oo leh caleemo balballaaran iyo ubax wareegsan oo hurud ah oo hadba meesha qorraxdu ka jirto u jeesta oo laga miiro mirihiisa saliid. ld gabbalday.

gabbaldhac [m.l]
Waqti qorraxdu sii dhacayso iftiinkeeduna gabaabsi yahay. ld gabbaldhicid.

gabbaldhacsad [m.l]
ld gabbaldhacsasho.

gabbaldhacsasho [m.f.dh]
egg gabbaldhacso. ld gabbaldhacsad, gabbaldhacsi.

gabbaldhacsi [m.l]
ld gabbaldhacsasho.

gabbaldhacso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Ku g.: ilaa gabbal dhaca meel joogid. 2. U g.: wax samayntooda ilaa gabbaldhaca sugid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg