gabbalgaab
(m.l)

Galabnimada inteeda dambe ee gabbaldhaca ka horreysa. ld gabbalgaabad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gabbalgaab

gabbalgaabad [m.l]
ld gabbalgaab.

gabbalgaabsad [m.l]
ld gabbalgaabsasho.

gabbalgaabsasho [m.f.dh]
eeg gabbalgaabso. ld gabbalgaabsad, gabbalgaabsi.

gabbalgaabsi [m.l]
ld gabbalgaabsasho.

gabbalgaabso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Ku g.: ilaa waqtiga go qorraxdu dhicidda ku dhowaato meel ku sugnaansho.

gabbaljiif [m.l]
1. Gabbalgaab. 2. Qof wahsi badan oo aan shaqada jecleyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg