gabbasho
(m.f.dh)

eeg gabbo. ld gabbad¹, gabbood, gambad, gambasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gabbasho

bareer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. U b.: fal ulakac ah oo aan qarsoodi ahayn ku kicid. 2. Ula b.: si toos ah oo aan gabbasho lahayn qof ama shay u wajahid.

dawaali [Falkaab | Adverb]
D. ...u: si toos ah, si aan gabbasho lahayn. Tus. “Waxaan doonayay dawaali ayuu u diiday”.

dawggal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-alay, -ashay; -geli)
1. (f.g) U d.: wax la gaadayo meel ugu gabbasho. 2. (f.mg) Ugu d.: cid dhibaato gaartay wax u eersasho.

dhako [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-kaday, -katay)
1. Iyadoo wax la qaadaayo ama wax laga cabsanaayo meel ku dhuumasho; gabbasho.

dhuumaalayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Dhuu mashow cayaarid (qof). 2. Gag- gabbasho; dhuundhuumasho.

foodsaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax kafool kafool uga hor tegid. 2. Meel ku gabbasho.

gabbad [m.l]
ld gabbasho.

gabbood [m.l]
ld gabbasho.

gal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1]
(galay, gashay; geli) 1. (f.g) Wax dhexdi ama gudihii gaarid. 2. (f.g) Arrin, hawl iwm wax ka qabasho. 3. (f.mg) Ka g.:god muhiim ah qof uga hor marid (shax). 4. (f.mg) U g.: shisheey isu dhiibid. 5. (f.mg) U g.: cid maqan howl u qabasho. 6. (f.mg) U g.: cid meel ugu gabbasho. 7. (f.mg) Ku g.: Wax laga quustay heliddooda noqosho (baadi).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg