gabow
(m.l)

Duqnimo iyo da'weyni nafleydu gaarto markay muddo dheer noolaato.

gabow
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-oobay, -owday; -oobi)

1. Muddo badan noolaansho. 2. Da'weyn oo aan wax la qabsan karin gaarid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gabow

maandow [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
M. ah: qof gabow awgiis wax la kala garan waayey.

raawis [m.l]
Mindi iwm gabowday oo aan wax goyn karin. ld saawir.

yuxuud [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Y. ah: qof aad gabow u ah.

axgab [m.l]
1. A. ah: tabarbeelidda nafley tabar beeshay; jirro, gabow, daal iwm awgeed. 2. ld axgabid.

axgab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Nafley jirro, gabow, daal iwm la tabarbeelid.

barashada gabowga [m.l]
(daaw.) Barashada aqoonta ku saabsan isbeddellada ka dhaca jirka iyo maskaxda oo la socda gabowga iyo dhibaatooyinka la xiriira.

burunjiyee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Cabsi, gabow, qandho iwm la gariirid.

cajuusad [m.dh]
Naag aad u gabowday oo leh dhaqan la dhibsado. ld cajuuso.

cimilo-qaaradeed [m.dh]
(juqr.) Nooc ka mid ah cimilooyinka dunida oo laga helo dhulweyneyaasha dunia, gaar ahaan inta u dhexeysa kulaaleyda iyo tundaraha ee galoobbadhka woqooyi. Saamaynta cimiladaasi waxay gaadhaa xeebahabariga ee qaaradaha iyo jasiiradaha deriska la ah. Waa cimilo ay astaan u tahay faraqa weyn oo u dhaxeeya heerkulka xilliyada kulaylaha iyo gabowga.

dakhaakhul [m.l]
Qof gabow dartiis, isku daran noqday. ld laclac¹.

gab [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Cod lagu muujiyo shanqar gaaban oo kedis ah. ld geb¹.

gab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Xil saaran ka soo bixi waayid (qof). 2. Wax samayntiisa awood u waayid. ld geb².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg