gacal
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

1. Jacayl cid loo hayo. 2. Saaxiibtinnimo, qaraabannimo, iwm oo cid ka dhexeysa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gacal

saaxiib [m.l] (-bbo, m.dh)
Nin xiriir gacaltooyo qof kale la leh; wadey.

saaxiib [m.dh] (-bbo, m.dh)
Naag xiriir gacaltooyo qof kale la leh; saaxiibad.

saaxiib [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
La s.: cid xiriir gacaltooyo la yeelasho.

saaxiibad [m.dh] (-do, m.l)
Gabar xiriir gacaltooyo lala leeyahay.

xabiib [m.l] (-bbo, m.dh)
Qof gacal ah ama saaxiib lillaahi ah.

dhabbaggacal [m.l]
Wadiiqo yar oo isku xirta laba qoys oo deris ah.

gacalcun [m.l]
Cay kaftan ku dheehanyahay oo dad gacal ahi isujeediyaan. ld gacalcunid.

gacalcunid [m.dh]
ld gacalcun.

gacaliso [m.dh]
Qof haween ah oo aad loo jecelyahay. ld gacalo (1).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg