gun
(m.dh)

1. Dad tol yari lagu liido. 2. Dadweyne; tol. 3. Weel halka uu ka unkamo. 4. Jirridda geedka iwm.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gun

og [m.l]
1. ld ogaan (1). Garasho wax loo leeyahay; arrintaas ogaal baan u falay. 2. Xog wax laga hayo. Tus. “Ogaalkay nabadgelyo ayaa halkaa ka jirtay”. 3. Xog'ogaal: oogaanta wax guntooda la ogyahay. ogaan

oogo-dhul [m.dh] (-ooyin-dhul, m.l)
1. (jool.) Qaybta adag ee qolofta dhulka, taas oo ku kala fidsan gun gaaraysa ilaa iyo 65 Km. (40 mayl) ka hos dhulka dushiisa. 2. (jool.) Qaybta u serraysa dhulka ee ka sarraysa xarriiga moho, garadeeduna waa 8 ilaa 40 km. badanaa waxay ka koobantahay dhadhaabo shiileed.

raan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Miiqyo dun ah oo isku maran oo maro dacalkeeda laga laallaadsho. 2. Timo ama dhogor isku guntan. 3. Geed laamihiisa buulal shimbi-reed ama cutubcutub miro ahi ka laal-laadaan.

saari [m.dh]
Maro badanaa xariir ah oo dumarka hindidu qaataan oo guntiino iyo hagoogba u ah.

taarash [m.l]
1. Qof meel loo diro oo dhanbaaal ama farriin sida; dhanbaalwade. 2. ld tarash. Daliig dharka la huwado ama la guntado dacalkiisa lagu qurxiyo oo marada iyo faraqa u dhexaysa; xiddo.

ugunji [m.l]
Liin, bambeelmo.

urgun [m.l] (-unno, m.dh)
Hoore adkaaday oo weel salkiisa ku haray, gufar.

yool [m.l]
1. Degganaansho la'aan nafley ka muuqata. 2. (-lal, m.l) Sal; gun; madhaafaan. Maalintii y.ka: maalinta qiyamaaha. 3. (-lal, m.l) Goob; madal; garoonka gudahiisa meesha kubbadda cagta iwm lagu dheelo.

yoolgaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Ka y.: arrin iwm ka gungaarid.

adkayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1.(f.g) Gunti, xarig iwm oo dabacsan dhuuqsasho. 2. ku a.: hadal, fikrad, mowqif iwm iska beddelid la'aan. 3. (f.mg) U a.: dhibaato dulqaad u yeelasho; hawl, dhib, xanuun adkaysi u lahaansho; dulqaadasho.

g [m.dh]
(ga') Xarafka toddobaad ee xuruufta afka soomaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg