gunaanad
(m.l)

1. Dhammaystiridda wax la dhamaystiro. 2. ld gunaanadid.

gunaanad
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)

1. Qof dhimanaya quraan ku akhriyid. 2. Dood iwm dhammaystirid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gunaanad

gunaanadan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
Wax la gunaanday ahaansho.

gunaanadid [m.f.dh]
eeg gunaanad². ld gunaanad¹ (2).

gunaanadnaan [m.f.dh]
eeg gunaanadan. ld gunaanadnaansho.

gunaanadnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld gunaanad- naan.

gunaanadseeg [m.l]
1. Yaasimin la'aanta uu la kulmo qof dhintay. 2. ld gunaanad- seegid.

gunaanadseeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Qof dhintay, gunaanad waayid.

gunaanadseegid [m.f.dh]
eeg gunaanadseeg². ld gunaanadseeg¹ (2).

khatin [m.l]
1. Gabagabeynta iyo gunaanadka Quraan iyo duco la soo akhriyay. 2. ld khatimid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg