gundhig
(m.l)

Wax la biirinayo ama la tarminayo inta ugu horreysa oo laga bilaabo; saldhig; raasamaal.

gundhig
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

Wax la biirinayo ama la tarminayo intooda ugu horreysa asaasid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gundhig ↴

dano [m.dh]
1. Dani. 2. In yar oo caano dhanaan ah oo gundhig looga dhigo caano la rabo in ay dhaqso u gorooraan. 3. In yar oo caano ah oo laga shubo caano la lulayo oo la siiyo qof la rumaysanyahay in uu u sancanyahay oo ay haantu subag badan dhalayso. 4. Biyo yar oo lagu daro caano la lulayo marka ay firfiraan.

gundhigad [m.l]
ld gundhigasho.

gundhigasho [m.f.dh]
eeg gundhigo. ld gundhigad.

gundhigid [m.f.dh]
eeg gundhig².

gundhigo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-gtay, -gatay)
Wax la biirsanayo ama la taransanayo intii ugu horreysey billaabid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg