gunti
(m.l)

1. Marada raggu hoos ka qaato labadeeda duub oo yaryar oo ay ku leedahay la simaadka labada fiiq oo miskaha. 2. Hab go'yaasha dharka raggu u xirto.

gunti
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)

U g.: cid maro hoos ugu xirid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gunti

saari [m.dh]
Maro badanaa xariir ah oo dumarka hindidu qaataan oo guntiino iyo hagoogba u ah.

adkayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1.(f.g) Gunti, xarig iwm oo dabacsan dhuuqsasho. 2. ku a.: hadal, fikrad, mowqif iwm iska beddelid la'aan. 3. (f.mg) U a.: dhibaato dulqaad u yeelasho; hawl, dhib, xanuun adkaysi u lahaansho; dulqaadasho.

adkee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -kaysay)
1. Wax adag ka dhigid (wax). 2. Gunti, xarig iwm si aad ah u dhuujin.

curuq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. Laab ama guntin yar oo gala wax la tolayo. 2. Xanuun yar oo laga dareemo murqaha iyo seedaha kolka fadhi lagu raago. 3. ld curqid.

curuq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rqay, -ruqday; -rqi)
1. Shay la tolay ama la falkiyey guntiin yeelasho. 2. Kaddib markii fadhi lagu raago xanuun yar murqaha ka dareemid. Tus. “Lug baa i curuqday”.

dan-lahelay [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
D. ah: guntiino ama saddex-dhudood haweenku qaadan jireen. ld dal-lahelay.

debec [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bcay, -becday; -bci)
1. Xarig, guntin iwm wax giigsanaantii ka ba'day noqosho. 2. U d.: wax u dhega nuglaan. ld dabac², debac².

debecsan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Xarig, guntin iwm oo giigsanaan wax debcay noqosho. ld dabacsan¹, debacsan¹.

debecsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Xarig, guntin iwm oo giigsanaa wax debcay ahaansho. ld dabacsan², debacsan².

filgin [m.l] (-immo, m.dh)
1. Qori xooggan oo afka loo dhuubo si wax loogu qodo. 2. Guntin ay wax ku guntadaan haweenka oo ah dacal hoosaadka googaradda. ld filgan¹.

gun [m.dh]
1. Dad tol yari lagu liido. 2. Dadweyne; tol. 3. Weel halka uu ka unkamo. 4. Jirridda geedka iwm.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg