guntiino
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Maro ay haweenku xirtaan oo 4 yaardi ama ka badan ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guntiino

saari [m.dh]
Maro badanaa xariir ah oo dumarka hindidu qaataan oo guntiino iyo hagoogba u ah.

dan-lahelay [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
D. ah: guntiino ama saddex-dhudood haweenku qaadan jireen. ld dal-lahelay.

garraar [m.l]
1. Guntinta isu haysa labada dacal ee sare ee guntiino iwm. 2. Dagta laga xirto guntiino iwm. ld garxi.

rummaan [m.dh]
Maro midabkeedu isugu jiro madow guduud iyo caddaan ama garbasaar ama guntiino ahaan loo istic-maalo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg