gunto
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-taday, -tatay)

1. (f.g) Wax si loo xafido meel ku xirasho. 2. (f.mg) Maro sabarka ku xirasho. 3. (f.mg) U g.: hawl qabashadeeda isu diyaarin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gunto

og [m.l]
1. ld ogaan (1). Garasho wax loo leeyahay; arrintaas ogaal baan u falay. 2. Xog wax laga hayo. Tus. “Ogaalkay nabadgelyo ayaa halkaa ka jirtay”. 3. Xog'ogaal: oogaanta wax guntooda la ogyahay. ogaan

barashada badweynada [m.dh]
(juqr.) Dersidda badweynada oo ay ka mid tahay dabeecadda biyaha oo la barto dhaqaaqooda, heerkulkooda, guntooda, meesha ay ku jiifto, dhirta iyo xayawaanka, iwm.

gooyoogunto [m.dh]
Maro, badanaa hoos laga qaato oo aan toox lahayn.

gugunto [m.dh]
Guunto; orgeysguur.

guguntoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Neef dheddig oo tabsan abaahi waayid.

guguntood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg guguntoo.

guntasho [m.f.dh]
eeg gunto.

qoto-ekeeye [m.dh] (-kayaal, m.l/dh)
(juqr.) Xarriiq ku yaal khariidad, oo isku xira baraha badda hoosteeda ah oo guntoodu isku dherer tahay.

tuulimaad-badeed [m.l] (-dyo ..., m.l)
(jool.) Tuulimadyada la dhigo meelaha bad weynnada ama harooyinka guntooda badweynnada ugu hooseeya,waxyaabaha la tuulay asalkoodi waxay ka yimaadeen haraayaal yaryar oo ka haray noole hore ugu oolaan jiray qaybtaa badda ama harada ee uu ka dhacay tuulimaadku.

gun [m.dh]
1. Dad tol yari lagu liido. 2. Dadweyne; tol. 3. Weel halka uu ka unkamo. 4. Jirridda geedka iwm.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg