guran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)

1. Wax aan caano lahayn ahaansho. 2. Wax aan biyo lahayn ahaansho. 3. Wax weelkay ku jireen laga saaray ahaansho (cunno).

guran
(m.l)

Geel aan irmaanayn; horweyn.

guran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)

Neef irmaan canihii ka dhamaasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guran

yir [m.l]
Wax yar oo adag oo ku go'an ibta neefka guran.

bangalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Guri dhul weyn ku fadhiya, si qurux badan u dhisan, baabuurta dhex geli karto oo dhiri ku tallaalantahay. 2. Dhismo hareeraha ka guran oo guryaha hortooda ama dushooda lagu dhiso oo lagu leersado.

bisayl [m.l]
1. Cunto dab lagu farsameeyey oo gaartay heerkii lagu cuni lahaa. 2. Miro iwm marka ay gaaraan heerkii lagu cuni ama la guran lahaa. 3. Waaya-aragnimo dheeraad ah oo la yeesho. 4. ld bislaan.

gablool [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Candho guran oo aan caano lahayn. ld gabto, gabtood, gabtool¹.

gablool [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oolay, -ooshay)
Wax guran oo aan caano lahayn noqosho. ld gabtool².

galoof-olol [m.l]
1. Ololidda neef geel ah oo guran oo u olola sida neef irmaan oo ubad u xiranyahay. 2. ld galoof-ololid.

galoof-olol [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-olay, -oshay)
Neef geel ah oo guran sida neef irmaan u ololid.

gur [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Geedo, timo iwm jarid. 2. (f.g) Wax meel yiil ka qaadid. 3. (f.g) Cunto digsi ku jirta ka bixin. 4. (f.g) Miro geed ku yaal ka goyn. 5. (f.g) War qof ka jiibin. 6. (f.mg) ld gur².

gur [m.dh]
1. Gacanta bidix. 2. Gardarro.

gur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Neef irmaanaa candhadiisa caano ka idlaasho. 7. Ceel biyo lahaa dawrid. ld gur² (6).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg