guri
(m.l) (-ryo, m.l)

1. Hooy; aqal. 2. G. ah: nafley heshay difaac ka celiya waxyeellada cudur horay ugu dhacay.

guri
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Nafley irmaan, maalid iyo nuugid ka dhaafid. 2. La g.: cid xumo wadda la sii wadid, si loo tuso waxyeelladeeda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guri

taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid

ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.

xaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax la qoray, ganka iyo xaadda ka xiirid, ka gurid; tifaftirid; salaaxid. tifaftirid, salaaxid

jaariyad [m.dh] (-do, m.l)
Qof haween ah oo guri aanay lahayn shaqaale ka ah.

ohli [m.l]
(ohli/-iyo, m.dh) Kolay weyn harag ama mayrax ka samaysan oo badarka iyo waxyaabaha yaryar ee guriga lagu gurto.

ood [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Geed la gooyey xero ka samayn. 2. Xero, guri iwm afka ka daboolid.

oodgeddi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xero ama guri diqoobay meel u dhow u rarid (xoolo).

raad-guri-cagaar [m.l] (-dad, m.l)
(c.cimi.) Muuqaal fallaaraha qorraxeed ee galay gibilka dhulka: gibilku wuxuu u oggolaadaa tamarta qorraxeed ee hirarka gaaban inay gaarto dhulka dushiisa; tamartaasi waxay kululaysaa dusha dhulka, dabadeedna dhulku tamar kulul oo hirarkeedu ay dhaadheeryihiin ayuu gibilka ku sii daayaa, kulaylkaasna gibilka ayaa lagu hayaa gaar ahaan marka cirku caad leeyahay. Sidaas darteed gibilku wuxuu u shaqaynayaa sida qarshada guri cagaar.

raadgurid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raadgur². ld raadgur¹ (1,2).

raar [m.dh]
1. Guriga gudihiisa qaybta dambe ee saabaanka muhiimka ah la dhigto. 2. Sariir qoryo ka samaysan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg