gurmad
(m.l) (-yo, m.dh)

1. G. ah: gargaar degdeg ah oo cid loo fidiyo. 2. G.ka booliska: koox ka mid ah booliska oo heegan u ah meeshii ay rabsho ka dhacdo. 3. Tababar ciidameed oo waajib ku ah dhallinta qaangaarka ah ee dal u dhashay. 4. ld gurmasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gurmad

gurmasho [m.f.dh]
eeg gurmo. ld gurmad (4).

lallabo [m.dh]
1. Laqanyo; yaqyaqsi. 2. Qayladhaan gurmad degdeg ah. 3. Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca. ld labbalabbo, labballabbo, lablabbo, lallabbo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg