guro
(m.dh)

1. Meel godan oo gaadiid raran dushiisa laga sameeyo oo la saaro carruur, maqal iwm. 2. Rako.

guro
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-rtay, -ratay)

1. (f.g) Wax meel yaal ka qaadasho. 2. (f.g) Miro geed ka goosasho. 3. (fg.) Cunto iwm weel ka baxsasho. 4. (f.mg) Kala g.: wax lagu tartamayey kala badin waayid. 5. (f.mg) Kala g.: waxyaalo isku dhex jiray kala saarid. 6. (f.mg) Kala g.: col is-hor fadhiya dib u kala qaadasho. 7. (f.mg) La g.: hadallo qadaf ah isdhaafsasho. 8. (f.mg) Dib u g.: si tartiib ah xeeladi ku jirto gadaal ugu noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guro

idan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Oggolaansho, rukhso. 2. Qalab ka samaysan dhagax jilicsan ama dhoobo oo inta dhuxulo nool lagu guro dhirta udgoon lagu shito; dabqaad; idin. dabqaad, idin

qaad [m.l]
1. Mugga ay wax leeyihiin. 2. Awoodda qaadis ee wax leeyihiin. 3. ld jaad¹(1). Laamo yaryar oo u xirxiran majimo iyo marduufyo laga soo guro geedo meelo kala duwan ka baxa la cuno inta ay jilcanyihiin oo lagu marqaamo. 4. ld qaadid: magacyada lammaanan. Tus. “Dulqaadka”.

xagaafo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Bir xalleefsan, godan oo xoolaha shilinta, ragaadka iwm looga guro.

bocoolagguro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Si diidmo iyo jikraar leh cid ugu jawaabid.

cay [m.dh]
1. ld caay 1. Hadal ama fal qadaf ah oo cid loola jeedo. 2. God, shabaq, siriq ama bir iyo dabin kale oo loo dhigo ugaarta si ay ugu dhacdo. 3. Geedaha beerta laga guro oo inta la aruuriyo la gubo.

dabsaar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Sabuulka isagoo aan bislaan oo weli curdan ah beerta laga gooyo, ka dibna inta god lagu guro la dubo. 2. Weel kasta oo dab la saaro.

dibugguro [m.dh]
ld dibuggurasho.

digaxaar [m.l] (-rro, m.dh)
Qori xalleefsan oo xeraada xoolaha digeda looga guro.

falaxfalax [m.l]
1. Geed quwaax faleenka ka mid ah oo leh beeyo marka la shido udgoon. 2. Beeyada laga guro geedka falaxfalaxa. 3. Qof firfircoon. 4. Qof bilicsan.

geedo [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Bari, xidid, caleen, qolof, dhacaan iwm oo dhir laga soo guray oo daawo ahaan loo isticmaalo. 2. Caleen, miro bari iwm oo dhirta qaarkeed laga soo guro oo cuntada lagu daro si dhadhan loogu yeelo. 3. eeg gee.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg