gurub
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

G. ah: digir yar oo ku harta beer la gurtay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gurub

deynhilato [m.dh]
Shimbiro yaryar oo aan guryaha ka ag dhaqaaqin oo gurubsata wixii ka daata badarka la tumayo.

gurubsad [m.l]
ld gurubsasho.

gurubsasho [m.f.dh]
eeg gurubso. ld gurub- sad, gurubsi.

gurubsi [m.l]
ld gurubsasho.

gurubso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax meel daadsan mid mid u qaadasho.

gur [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Geedo, timo iwm jarid. 2. (f.g) Wax meel yiil ka qaadid. 3. (f.g) Cunto digsi ku jirta ka bixin. 4. (f.g) Miro geed ku yaal ka goyn. 5. (f.g) War qof ka jiibin. 6. (f.mg) ld gur².

gur [m.dh]
1. Gacanta bidix. 2. Gardarro.

gur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Neef irmaanaa candhadiisa caano ka idlaasho. 7. Ceel biyo lahaa dawrid. ld gur² (6).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg