gurux
(m.l)

1. Isha inteeda kuusan ee baararka ka hooseysa. 2. Dhaqdhaqaaqa isha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gurux

guluc [m.dh]
1. Rogrogmadka isha guruxeeda. 2. Meel laabato ah; guho.

gulucsii [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iiyay, -iisay)
Isha guruxeeda rogrogmasho.

ilgurux [m.l] (-xyo, m.dh)
Isha oo dhan oo aan xididdadu ku jirin.

xirrib [m.dh]
1. Isha guruxeeda iyo sanqaroorka meesha u dhexaysa. 2. Tab; dhagar; xeelad; khatal; siyaasad.

gur [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Geedo, timo iwm jarid. 2. (f.g) Wax meel yiil ka qaadid. 3. (f.g) Cunto digsi ku jirta ka bixin. 4. (f.g) Miro geed ku yaal ka goyn. 5. (f.g) War qof ka jiibin. 6. (f.mg) ld gur².

gur [m.dh]
1. Gacanta bidix. 2. Gardarro.

gur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Neef irmaanaa candhadiisa caano ka idlaasho. 7. Ceel biyo lahaa dawrid. ld gur² (6).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg