gus
(m.l) (-sas, m.)

Xubinta taranka ee ragga.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gus

kaadimareen [m.l] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Tuyuub laga helo naasleyda, kaas oo ka soo qaada kaadida kaadihaysta oo bannaanka uga saara jidhka. Ragga, kaadi mareenku wuxuu dhex maraa guska, waxaana uu ku dhex xidhan yahay xawo mareenka, sidaa darteed waxa kale oo uu u shaqeeyaa marin xawaduna marto.

biyobax [m.l] (-xyo, m.dh)
(c.nafl.) Shahwo ka soo bixidda guska oo kacsan.

buuryo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Cadka ka lusha guska intiisa hore oo la gooyo marka la gudaayo wiilasha; yuub, qolof; balag. ld beejo.

cinjirrageed [m.l] (-yo, m.dh)
(daaw.) Gal ka sameysan cinjir xariir oo guska la galiyo marka galmada; cinjirkaasu wuxuu labada qofba ka xafidaa cudurrada galmada, wuxuu celiyaa uur qaadidda.

dakar [m.l] (-rro, m.dh)
Xubinta taranka ee ragga; gus.

gusoore [m.l]
1. Bartamaha guga. 2. Bar-waaqo. ld gu'soore.

gu'soore [m.l]
ld gusoore.

kirkir [m.l] (-ro, m.dh)
1. (daaw.) Cudur bulshadeed ragga kaga dhaca guska oo inta hore gooya, lagana qaado galmada. 2. (daaw.) Nabar furan oo aan xanuun lahayn oo ka samysma meesha jeermigu jirka ka galay (guska, dibnaha, iwm) waana astaanta ugu horreysa ee xabbadda (siifilis).

nugushi [m.l]
Roobka ugu horreeya ee guga da'a; roob garas.

g [m.dh]
(ga') Xarafka toddobaad ee xuruufta afka soomaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg