guul
(m.l)

1. Xoolo aroor ah oo ka dhaxay xeradoodii. 2. ld guulid.

guul
(m.dh) (-lo, m.l)

Dagaalka ama tartanka oo lagu adkaado; lib; libin; liibaan.

guul
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-uulay, -uushay)

1. (f.g) Cid haddadid. 2.(f.mg) Xoolo aroor ama wabax ah meel ceelka u dhow habeen u hoyasho. 3. (f.mg) Xoolo iwm dhaan isugu keenid. Tus. “Geelii wuxuu isugu guulmay gasada”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guul

gaabbaguul [m.l]
U habeendhixidda meel dheer oo geeddi loo yahay.

gaabbaguul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-uulay, -uushay)
Meel dheer oo geeddi loo yahay u-habeendhixid.

na [Xiriiriye | Conjunction]
1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”.

gaabbaguulid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaabbaguul². gaabbaguul

eebbe [m.l]
Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi; Guulle; waaq; madhinte; weyne. ilaah, rabbi, guulle, waaq, madhinte, weyne

gaaddabbuur [m.l]
1. Orod aan dheereyn. 2. Faalaxgooddi dad badan sameeyaan oo cid lagu guulguulayo.

gaaddabbuur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
U g.: guulguul samayn (cid).

jab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Wax dillaacid ama kala go'id. 2. Col iwm guuldarro la kulmid. 3. Geed, dhismo iwm dumid. 4. Badeeco qiimeheeda hoos u dhicid.

naallee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Ku n.: 1. Farax iyo guul ku jirid. 2. Wax rajo ku eegid. ld naalloo.

oonguul [m.l]
O. ah: xoolo aroor ah oo baryey xeradoodii meel aan ahayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg