guulan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-lmay, -lantay; -lmi)

Wax isu ururay oo gadaal u gurtay noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guulan

guulmid [m.f.dh]
eeg guulan.

guul [m.l]
1. Xoolo aroor ah oo ka dhaxay xeradoodii. 2. ld guulid.

guul [m.dh] (-lo, m.l)
Dagaalka ama tartanka oo lagu adkaado; lib; libin; liibaan.

guul [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-uulay, -uushay)
1. (f.g) Cid haddadid. 2.(f.mg) Xoolo aroor ama wabax ah meel ceelka u dhow habeen u hoyasho. 3. (f.mg) Xoolo iwm dhaan isugu keenid. Tus. “Geelii wuxuu isugu guulmay gasada”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg