guun
(m.l/dh.kh)

Qof fil weyn oo aan da'du ka muuqan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guun

biito [m.dh]
Ciyaar-carruureed fadhiga lagu dheelo, oo inta lugaha la fidiyo, wax la tiriyo oo qofka ay tiradaasi ku dhammaato lugihiisa mid laabo; guunguun.

doobguun [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Nin doobnimo ku gaboobey.

ganguun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-uumay, -uuntay, -uumi)
Geed iwm jirridda ka jari.

guunguun [m.l] (-nno, m.dh)
Biito; nooc ciyaar caruureed.

guunso [m.dh]
Surta inteeda adag; gaws.

guunto [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
G. ah: neef dheddig oo wax rimiya waayey.

guuntoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Neef dheddig, lab orgeeya waayid. ld guuntow.

guuntoobid [m.dh]
ld guuntood.

guuntood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg guuntoo. ld guuntoobid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg