guur
(m.l)

1. Xiriir mideynaya nin iyo naag ayadoo wada noolaanshahooda lagu saleynayo heshiis sharciyeysan oo dammaanad u ah xaas inuu unkamo. 2. Meel la degganaa ka tegid (cid, reer, dad).

guur
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Reer meel uu degganaa ka guurid, ayadoo uu meel kale degayo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guur

raacato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad reer guuraa ah oo miyiga ku nool oo xoolo dhaqda.

gaadiid [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Wax kasta oo la rarto, laguna guuri karo.

jaanguur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Wax dabar go'id.

jaanguuri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax dabar goyn.

jaanguurid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaanguur.

jaanguurin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaanguuri. ld jaanguuris.

jaanguuris [m.l]
ld jaanguurin.

jabad [m.l] (-dyo, m.dh)
Berrin waa hore laga guurey oo ooddii raadkeedii weli yaal. ld jabo.

kaal [m.dh] (-lo, m.l)
1. Fandhaal weyn oo bir ama qori ka samaysan. 2. Dhulmadda labadeeda qalbac midkood. 3. Xoolo la siiyo qof guursaday.

kaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Nin guursadey xoolo siin. ld kaali.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg