guure
(m.l)

Socodka habeenkii la socdo. ld guureggal¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guure

jabad [m.l] (-dyo, m.dh)
Berrin waa hore laga guurey oo ooddii raadkeedii weli yaal. ld jabo.

dowr [m.l] (-rar, m.l)
1. Ceel biyihii ka guureen, goof, gorof. 2. (riw.) ld door. Kaalin.

dowr [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rar/-rtay, m.l)
Ceel biyihii ka guureen oo muddo qallallaa noqosho. ld dawr².

gudaal [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Socod habeenkii la socdo; guure. ld gudid.

gudoodi [m.l]
1. Habeen gudihiis. 2. Guure; socod habeen.

guricas [m.l]
Xero la degganaa oo markaas laga guurey.

guryannoqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qday, -qotay)
Xero laga soo guurey u noqosho (xoolo).

guurayn [m.f.dh]
eeg guuree. ld guurays, guureggelid.

guuraysii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Nafley habeen wadid. ld guureggeli.

guuraysiin [m.f.dh]
eeg guuraysii. ld guureggelin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg