guurid
(m.f.dh)

eeg guur². ld guuris².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guurid

jaanguurid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaanguur.

nabaadguurid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg nabaadguur².

oodrogo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-gtay, -gatay)
Meel degalowday meel u dhow uga guurid. ld oodgeddiso.

raadguurid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg raadguur².

badbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Ka b.: halis ka samatabbixid. 2. Ka b.: si looga samatabbaxo dhibaatada dhuugga, baalka iwm xagga badda u guurid (reero).

barakac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -kici)
Colaad, faqrinnimo iwm awgeed meel uga guurid.

beenguur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
God aan kii tooska ahaa ahayn u guurid si qofka kale loo khayaameeyo (ciyaarta shaxda, jarta iwm).

beenguurid [m.f.dh]
eeg beenguur². ld beenguuris.

carragguurid [m.f.dh]
eeg carragguur².

daruurayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Cir, daruur yeelasho. 2. Meel naq leh u guurid. 3. Kabo, laammo iwm daruur u yeelasho.

guur [m.l]
1. Xiriir mideynaya nin iyo naag ayadoo wada noolaanshahooda lagu saleynayo heshiis sharciyeysan oo dammaanad u ah xaas inuu unkamo. 2. Meel la degganaa ka tegid (cid, reer, dad).

guur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Reer meel uu degganaa ka guurid, ayadoo uu meel kale degayo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg