guurin
(m.f.dh)

eeg guuri. ld guuris¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guurin

jaanguurin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaanguuri. ld jaanguuris.

nabaadguurin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg nabaadguuri. ld nabaadguuris.

cunsurguurin [m.f.dh]
eeg cunsurguuri. ld cunsurguuris (2).

dar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Badar, biyo, caano iwm oo meel ku jira weel in yar uga qaadid. 2. (f.g) Middi, waran iwm wax ku mudid. 3. (f.mg) Ka d.: xaal wax ku sugnaayeen si ka xun noqosho. 4. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku kordhin. 5. (f.mg) Ku d.: nin iyo naag isu guurin.

daro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Ku d.: wax, wax kale ku kordhisasho. 2. Ku d.: qof, qof kale u guurin. 3. Isku d.: dhawr waxyaalood isku qaadasho. 4. Isku d.: isku qasasho.

darso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
1. (f.g) Badar, caano, sonkor iwm wax godan in uga qaadasho. 2. (f.mg) Xaalad lagu sugnaa ka sii liidasho. 3. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku biirsasho. Tus. “Cali geeliisii laba halaad buu ku darsaday”. 4. Ku d.: wiil gabadh u guurin. 5. U d.: xaalad hore ee lagu noolaa ka maarmiwaayid.

dhaqanguurin [m.f.dh]
eeg dhaqanguuri. ld dhaqanguuris¹.

guuris [m.l]
ld guurin.

minguurin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg minguuri. ld minguuris.

guur [m.l]
1. Xiriir mideynaya nin iyo naag ayadoo wada noolaanshahooda lagu saleynayo heshiis sharciyeysan oo dammaanad u ah xaas inuu unkamo. 2. Meel la degganaa ka tegid (cid, reer, dad).

guur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Reer meel uu degganaa ka guurid, ayadoo uu meel kale degayo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg