guursad
(m.l)

ld guursasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guursad

kaal [m.dh] (-lo, m.l)
1. Fandhaal weyn oo bir ama qori ka samaysan. 2. Dhulmadda labadeeda qalbac midkood. 3. Xoolo la siiyo qof guursaday.

kaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Nin guursadey xoolo siin. ld kaali.

kaalo [m.dh]
Nin guursaday xoolaha la siiyo.

naag [m.dh] (-go, m.l)
1. Haweenay la guursaday; afo; oori; arad; maranti. 2. Haweenay karti iyo xishood leh. 3.Labada qof ee isqaba midka dheddig.

yarad [m.l]
Hanti la siiyo qoys ama qof laga guursaday gabar ama haweenay.

bilcan [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Haweeney la guursaday. ld bilcaan.

carmal [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob.

carmali [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
C. ah: haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob.

darab [m.l]
1. Dhaqidda la dhaqo meelaha kaadida iyo saxaradu soo maraan; istanyo. 2. (-yo, m.dh) Cabir dhulka beeraha lagu cabiro (oo afar jibaal ah) oo le'eg 25 mitir. 3. Saxaro. 4. In yar oo biyo ah oo lagu istinjoon karo. 5. Dun, aleel, kuul iwm oo weelka lagu qurxiyo. 6. Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursaday oo hooyadeed la siiyo.

dumaal [m.dh]
1. Naag laga dhintay oo nin qaraabo la ahaa ninkeedi hore guursado. 2. Roob yar; shuux.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg