guurto
(m.dh)

1. Hantida qaybaheeda la rari karo, sida xoolaha nool. 2. G. ah: reer miyi xoolo dhaqato ah oo hadba meeshii deegaan leh u guura.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh guurto

xad [m.l] (-dad, m.l)
(taar.) Xarriiqda kala qaybisa laba hanti ma guurto ah ama laba waddan.

gurguurto [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Cudur ummulaha ilmagaleenka kaga dhaca labada toddobaad oo u horreysa dhalmada.

magguurto [m.dh]
1. Hanti m. ah: hanti aan guurguurin oo deynta lagu qaadan karo, sida beeraha guryaha iwm. 2. Dad si joogto ah meel u deggan oo xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jira.

guur [m.l]
1. Xiriir mideynaya nin iyo naag ayadoo wada noolaanshahooda lagu saleynayo heshiis sharciyeysan oo dammaanad u ah xaas inuu unkamo. 2. Meel la degganaa ka tegid (cid, reer, dad).

guur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Reer meel uu degganaa ka guurid, ayadoo uu meel kale degayo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg