hag
(Erey Dareen | Exclamation)

Cod lagu isticmaalo in dameer socodsiiyo; yalla.

hag
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

Qof indho la'hoggaamin.

ku/igu dhagan*

ka hadlaya qof ama wax  siiba si qosol ahaan ah. ka maadaysi.    Dirisle ayaa maanta ku dhagan daawasho cusub oo Cali soo dhigay Youtube-ka. Dirisle ayaa ku dhagan daawashada aan soo dhigay kanaalkeyga.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hag

maamuusiyad [m.dh] (-do, ml.)
Sariir weyn oo kulligeed qoryo ka samaysan, oo xardhan dushana hagoog ku leh. ld maamuusiyad.

saabuun [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-nno, m.dh)
(kiim.) Iskudhisyada naatriyam ama kaaliyam ay la sameeyaan nooc asiidhada orgaanikada ah; kuwaas oo badanaaba lagu isticmaalo in ay hagaajiso astaanta dhiqidda ee biyaha. ld saabbuun.

saalaxweeto [m.dh]
1. Ganacsato yaryar oo aalaaba wareegta ama aan lahayn rug loogu soo hagaago. 2. Hab loo ganacsado badeeco iyadoo aan lacagteeda la bixinb lala wareego. 3. Hab ganacsi ah oo ba-deeco yaryar habda meel wareejiyo.

saari [m.dh]
Maro badanaa xariir ah oo dumarka hindidu qaataan oo guntiino iyo hagoogba u ah.

tacab [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cbay, -cabtay; -cbi)
1. (f.g) Beer dalag ka soo saarid. 2. (f.g) Hawl faa'iido ka helid. 3. (f.mg) Ku t.: qof maalgelin si noloshiisa loo hagaajiyo. ld tabac².

uufannays [m.l]
1. U. ah: maroodi markaa dhashay ama beriyo jiray. 2. (m.l.u) U. ah: dad aan meel loogu hagaago lahayn. ld uufannaa.

uurdhagax [m.l]
Qare adag oo aan la jebin karin.

uurdhagaxoobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg uurdhagaxow.

uurdhagaxow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xoobay, -xowday)
Uurdhagax noqosho (qare).

waagii dhagaxa [m.l]
(waayahii ..., m.l) (taar.) Waqtigii aadamigu isticmaalay qalabka iyo warmaha dhagaxa ka sameysan, ee ka horeysey markii ugu horreysey ee helaan ay bir ceedhiin.

h [m.dh]
(ha') Xarafka siddeedaad ee farta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg