hagaaji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. (f.g) Wax toosin ama wanaajin. 2. (f.mg) Ku h.: wax meel uu u socdo ku toosin. 3. (f.mg) Ku h.: warqad, farriin, alaab iwm cidda ay u socoto meesha laga heli karo u dirid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hagaaji

saabuun [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-nno, m.dh)
(kiim.) Iskudhisyada naatriyam ama kaaliyam ay la sameeyaan nooc asiidhada orgaanikada ah; kuwaas oo badanaaba lagu isticmaalo in ay hagaajiso astaanta dhiqidda ee biyaha. ld saabbuun.

tacab [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cbay, -cabtay; -cbi)
1. (f.g) Beer dalag ka soo saarid. 2. (f.g) Hawl faa'iido ka helid. 3. (f.mg) Ku t.: qof maalgelin si noloshiisa loo hagaajiyo. ld tabac².

aslaax [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-xay, -xday)
1. (f.g) Hagaajin; dhul in wax lagu beero u diyaarin. 2. (f.mg) Nabad ka a.: nabad dhax dhigid.

cunwaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Magaca la siiyo buug, maqaal iwm oo tilmaamaya waxa uu ka hadlayo. 2. Meel cid waraaqaha loogu hagaajin karo. ld cinwaan.

dayactir [m.l]
1. Dib u hagaajinta lagu sameeyo guri, qalab iwm oo wax ka xumaadeen. 2. Ka ilaalinta wax laga ilaaliyo darxumada iyo baylahda.

dayactir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Guri, qalab iwm wax ka xummaday dib u hagaajin. 2. Wax darxumo iyo baylah ka ilaalin.

dibuhabayn [m.dh]
1. Hagaajinta lagu sameeyo maamul, nidaam, waxbarasho iwm. 2. Dayactir.

hagaajin [m.f.dh]
eeg hagaaji. ld hagaajis.

hagaajis [m.l]
ld hagaajin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg