hubaysan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-smay, -santay; -smi)

1. Cid qalab lagu dagaalamo haysata noqosho. 2. Cid arrad tiran noqosho.

hubaysan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-snaa, -snayd)

1. Cid qalab lagu dagaalamo haysata ahaansho. 2. Cid arrad tiran ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hubaysan

gaade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
1. Col yar oo hubaysan oo isu raaca in ay wax dilaan; dooxato. 2. Xanuun sambabada wareema.

argaggixiso [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Dad hubaysan oo argaggax dadka ku rida ama dila. 2. Naxdin iyo cabsi weyn oo qofka degganaanta ka lumisa.

birmad [m.l]
1. Gargaar degdeg ah oo meel ay dhibaato ka dhacday kaalmo ahaan loogu diro. 2. Ciidan hubaysan oo lagu xoojiyo ciidan kale oo dagaal ku jira ama dhibaataysan. 3. ld birmasho.

fallaago [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Dad hubaysan oo dawlad ka fakaday oo duur ku jir ah; burcad. 2. Nin f. ah: qof ka mid ah dad hubaysan oo burcad ah.

fardooley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Rag fardo leh ama fuli yaqaan. 2. Ciidan hubaysan oo fardaha ku dagaala.

foos [m.l] (-sas m.l)
1. Dad badan oo hubaysan. 2. F. ah: qofka qaybinaya turubka qofka ku xiga ee midig ka jira.

gobannimaddoon [m.l] (-nno, m.dh)
1. Jabhad hubaysan oo u dagaallanta xurriyada gobol ama dal. 2. Qof ka tirsan jabha.

haayir [m.l] (-rro, m.l/dh)
1. Col weyn oo hubaysan. 2. Libaax badeed weyn oo dadka cuna. 3. ld haajirid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg