hubi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Wax runtooda gaarid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hubi

saafid-kolorimitrieed [m.dh]
(fiis.) Saafid xaddiyeed oo lagu cabbiro ribnaanta milmeyaasha midabaysan iyada oo la kaashanayo itaalka midabka. Milanka la hubinayo waxa loo eegaa milanno ribnaantooda la yaqaano.

abbaare [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
Qiyaasta ugu dhow wax aan la hubin oo la qiyaaso. Tus. “Waxaan ku sugayaa abbaaraha lix saac”.

andaco [m.dh]
Waxaan la hubin sheegashadooda ama ku doodiddooda.

andacoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ku a.: war aan xaqiiqadiisa la hubin ku doodid (cid).

baaraandeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Ka b.: arrin, fikrad iwm aad u hubin.

balaf [m.dh]
War aan la hubin oo cidda sheegtay aan la aqoon.

biimee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -maysay)
1. Naf, hanti iwm biime ka dhigid. 2. Isku b.: meel cabsi leh ama nabaddeeda la hubin kas iyo ogaal ugu bareerid.

birshubid [m.dh]
Dhalaalinta iyo qaabeynta birta.

dhadhami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax dhadhankooda hubin. ld dhadhemi, dhandhami, dhandhemi, dhedhemi.

dhig [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. (f.g) Wax la siday meel saarid. 2. (f.g) Wax keydin. 3. (f.g) Qalin, teeb iwm wax ku qorid. 4. (f.g) Cid wax barid. 5. (f.mg) Ka dh.: wax meel saaran dejin. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax uu la cararayo ka ridid. 7. (f.mg) Ka dh.: cid jago u magacaabid. 8. Ka dh.: wax in uu yahay wax aan lugu hubin u qaadasho. 9. Kala dh.: wax kala saarid. 10. Sabab uga dh.: wax dhaca cid u aanayn.

hu [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Dhar la qaato. 2. ld hub¹. ld hub¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg