huf
(m.dh) (-fo, m.l)

Shimbir hilibka cunta; dafo.

huf
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-fay, -ftay)

1. Wax sifayn. 2. Wax kala saarid. 3. Wax jifid (gogol iwm).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh huf

edegkudhufaan [m.l]
Orgi yar oo caano nuug isagoo ah xiniinyaha laga baxshay. ld ciddikudhufaan. ciddikudhufaan

afgobaadso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Hadal macaan oo hufan oo eed ka carar darteeda keliya u dhihid. 2. Si asluub leh arrin uga xogwarramid (qof).

carrabkudhufad [m.l]
ld carrabkudhufasho.

carrabkudhufasho [m.dh]
Hadalhaynta. ld carrabkudhufad.

ciddikudhufaan [m.l]
ld edegkudhufaan.

dhayladhufaan [m.l]
ld dhayladhufaamid.

dhayladhufaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
Orgi yar caana-nuugnimo xiniinyaha kaga bixin.

dhayladhufaanad [m.l]
ld dhayladhufaanasho.

dhayladhufaanasho [m.f.dh]
eeg dhayla- dhufaano. ld dhayladhufaanad.

dhayladhufaanid [m.f.dh]
eeg dhayladhufaan². ld dhayladufaan¹.

h [m.dh]
(ha') Xarafka siddeedaad ee farta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg