hufan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fmay, -fantay, -fmi)

1. Wax la sifeeyey ama boor laga qaaday noqosho. 2. Wax la kala saaray noqosho.

hufan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-fnaa, -fnayd)

1. Wax la sifeeyey ama boorka laga qaaday ahaansho. 2. Wax la kala saaray ahaansho. 3. Qof aan ceeb lahayn ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hufan

afgobaadso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Hadal macaan oo hufan oo eed ka carar darteeda keliya u dhihid. 2. Si asluub leh arrin uga xogwarramid (qof).

hufmid [m.f.dh]
eeg hufan¹.

hufnaan [m.f.dh]
eeg hufan². ld hufnaansho.

xifaalo [m.dh]
Si hufan oo maad leh oo wax laysaga sheego; kaftan.

huf [m.dh] (-fo, m.l)
Shimbir hilibka cunta; dafo.

huf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
1. Wax sifayn. 2. Wax kala saarid. 3. Wax jifid (gogol iwm).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg