hug
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

Neef ari ah harag ka bixin. ld xug².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hug

saad [m.l]
1. Geed weyn oo looxaan adag leh oo wax lagu dhisto, alaab qurux badanna laga samaysto. 2. Cunto safarka loo qaato; sahay. 3. Xarun ciidamada looga maamulo huga iyo raashinka. ld saaj.

yoon [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oomay, -oontay; -oomi)
Dad, xoolo ama nafley kale qaylo samayn; wada hugmid; bulaamid. ld yulqan².

baali [m.dh] (-iyo, m.l)
Qof dumar ah oo aan daryeelin nadaafadda nafteeda, hugeeda, aqalkeeda iwm; areebo.

dayaan [m.l]
1. Sharqan ama hugun weyn oo ka yimaada durbaan la tumayo, xoolo ama dad badan oo meel isugu yimid. 2. Cod dheer oo buuraha, daaraha, qararka iwm ay soo celiyaan markuu ku dhacay kaddib. ld daryaan¹, diryaan¹, diyaan¹.

dayaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Durbaan, dhul iwm sharqan, hugun weyn ka yeerid. ld daryaan², diryaan², diyaan².

dhar [m.l]
1. Nooc huga ka mid ah, cudbi, dhogor, xariir iwm ka samaysan oo dad ku xirto ama huwado. 2. Lebbis.

dhug [m.dh]
1. Maan; caqli. 2. (sh.r) Cod lagu muujiyo shalaqa. 3. Nishaab fiican. 4. ld dhugato.

dhugad [m.l]
ld dhugasho.

dhugasho [m.f.dh]
eeg dhugo. ld dhugad.

dhugato [m.dh]
Cudur geela sambabbada kaga dhaca oo qufac badan leh. ld dhug (4), dhugmo (3).

h [m.dh]
(ha') Xarafka siddeedaad ee farta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg